MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-War ka soo baxay Dowlada UK ama Ingiriiska ayaa lagu shaaciyay inay howlgalka ATMIS ee  Somalia ku bixiniyaan 7.5 Milan oo gini ka hor sanadka cusub ee bilihu ka harsan yihiin.

Tan iyo 2021-kii ayay Britain hore ugu bixiyeen howlalkaani 69.5 Milyan oo gini waxayna wadarta guud ka dhigeysa 77 Milyan oo gini hadii lagu daro mida ay hada balan qaadeen ee 7.5 Milyan.

Advertisement

Safiirka Britain ee Soomaaliya, Mike Nithavrianakis ayaa ugu baaqay dalalka kale ee danbeeya arimaha Somalia inay iyaguna ka qeybqaatay qarash bixinta howlgalada amni ee Somalia.

Safiirka Britain wuxuu carabka ku adkeeyay in Dalkiisu  ka go’an tahay taageerada Amni ee Soomaaliya.

“waxaan ka mahadcelineynaa garab istaaga UK iyo iskaashiga joogtada ah ee ay nala leeyihiin”ayuu yiri Wasiirka Difaaca Soomaaliya, C/qaadir Maxamed Nuur oo ka hadlay balan qaadka UK.

lacagtaan waxaa mushaar laga siin doonaa dalalka ay ciidamada Milateriga ka joogaan howlgalka ATMIS ee Somalia sida Uganda, Burundi, Djibouti, Ethiopia iyo Kenya, iyadoo dhawaan saxaafada lagu arkaayay madaxa ATMIS oo mushaar la’aan ka cabanaya.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here