War ka soo baxay wasiir ka tirsan Dowlada Turkey ayaa lagu cadeeyay in Dowlada Itoobiya ka laabatay heshiiskii sharci darada ahaa ee ay la gashay Maamulka Somaliland kaasoo ay ku doonayeen qeyb ka mida Badda Somalia in laga kireeyo  islamarkaana dhalisay khilaaf xoog leh oo soo kala dhex galay labada Dowladood ee Somalia iyo Itoobiya.

Hakan Fidan oo ah Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkey  ayaa saxaafada u sheegay in Itoobiya waqtiyada soo socoda ka codsan doonto Dowlada Somalia Dekad ay si sharci ah kala soo degto badeecadeeda.
Wasiirka arimaha dibada Daka Turley wuxuu intaasi ku daray in Itoobiya cadeyn doonto aqoonsigeeda madax banaanida dhuleed ee  Dalka Somalia taasoo cadeyn buuxda u ah in Itoobya ka laabatay heshiiskii Muuse Biixi ay la galeen.
Dhanka kale Warka Wasiirka ayaa isaguna muujinaya wada xaajoodkii uu dhawaan u tagay Adis-ababa inay miradhashay madaama Dalka Turkey uu labada dal Siomalia iyo Itoobiya sidoo kalana uu xiriir wanaagsan la wada leeyahay.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here