NEW YORK (DAYNIILE.COM)-War ka soo baxay Dowlada Sudan ayaa si weyn loogu eedeeyay Dowlada Imaaraadka Carabta inay sii hurinayaan colaada ama dagaalada u dhexeeya Dowlada Sudan iyo kooxahaku kacsan.

Al- Harith Idriss Al- Harith oo ah Safiirka Suudaan ee Qaramada Midoobay ayaa shir ka jiray Qaramada Midoobe wuxuu ku soo hadal qaaday Dowlada Imaaraadka uu ku eedeeyay inay iyagu masuul ka yihiin colaada Sudan inkastoo Imaaraadku iska diideen eedaasi.

Advertisement

Eedeyntaan ayaa daba socota codsi ay hore bishii Apriil Dowlada Sudan ugu dalbatay kulan degdeg ah oo Golaha Amaanka uu ku yeesho talaabooyinka Imaaraadka balse Sudan uma meel marin sidey rabeen.

Sanadihii ugu dambeeyay Dowlada Sudan waxay Imaaraadka ku dhaliileysaa inay taageeraan xoogaga RSF ee dagaalka kula jira ciidanka Milatariga Sudan.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here