DHOOBLEEY (DAYNIILE.COM)-Diyaarad rakaab ah oo maanta u safri lahayd Magaalada Dhoobleey ee Gobolka Jubada hoose ayaa waxaa joojiyay saraakiisha Dowalda ee ku sugan garoonka diyaaradaha Magaalada Muqdisho.
Wararka ayaa tilmaamaya in shirkada diyaarada ay Dowaladu amar dul dhigtay kaasoo ay inay joojiso safarkeeda dhoobleey.
Advertisement
Dadkii raaci lahaa saaka diyaarada u socotay Magaalada Dhoobleey ayaa la sheegay inay ku laabteen xaafadihii Muqdisho ay ka soo baxeen markii ay ka quusteen safarkoodii ay ku aadi lahaayeen Dhoobleey.
Inkastoo Dowladu shirkada la wadaagin sababta keentay joojinta socdaalka Magaalada Dhoobleey hadana waxaa loo maleynayaa arimo salka ku haya khilaaka u dhexeeya Dowlada iyo Maamulka Jubaland.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
Advertisement