Kulan u dhexeeya Dowladda Soomaaliya, Hay’adaha Qaramada Midoobay iyo Deeq bixiyayaasha ayaa maanta ka qabsoomay Magaalada Muqdisho.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray maalgelinta iyo fulinta Qorshaha Qaranka oo diyaarintiisu gabagabo ku dhowdahay, waxayna dhinacyadu isla gorfeeyeen sida ugu haboon ee qorshuhu u yeelan lahaa natiijo bulshada faa’iido u leh.
Kulanka waxaa ka qeyb galay agaasimayaasha iyo maareeyeyaasha guud ee hay’adaha Dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada waxaana loo bandhigay madaxda hay’adaha iyo deeq bixiyayaasha shaqadii laga qabtay Qorshaha Qaranka iyo sida dowladda ay uga go’antahay fulinta qorshahan, sidoo kale waxaa loo jeediyay deeq bixiyayaasha in dhaqaalaha ay ku taageeraan dowlada Soomaaliya la marsiiyo sanduuqa Qorshaha Isbeddelka Qaranka.
Kulanka ayaa noqday midkii ugu horreeyay oo ay yeeshaan madaxda hay’adaha Qaramada Midoobay, Deeq-bixiyayaasha Soomaaliya iyo Dowladda Soomaaliya intii uu socday qoraalka Qorshaha Isbeddelka Qaranka, waxaana la isla gartay in ay door muuqda ka qaataan hirgelinta qorshahan.
Advertisement