Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah ugu biirtay Ururka Caalamiga ah ee ๐†๐ฅ๐จ๐›๐š๐ฅ ๐†๐ซ๐ž๐ž๐ง ๐†๐ซ๐จ๐ฐ๐ญ๐ก ๐ˆ๐ง๐ฌ๐ญ๐ข๐ญ๐ฎ๐ญ๐ž (๐†๐†๐†๐ˆ) oo ay noqoto dal xubin buuxa ka ah! Iskaashigan muhiimka ah wuxuu gacan ka geysan doonaa xoojinta qorshayaasheena waara ee ku saabsan horumarinta dhaqaalaha cagaaran, ilaalinta deegaanka, iyo la qabsiga saameynta isbeddelka cimilada.

Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada, Amb. Khadija Mohamed Al-makhzoumi, oo ku matalaysay Soomaaliya heshiiskan, ayaa tilmaantay muhiimadda iskaashigan iyo inuu yahay tallaabo waxtar leh oo lagu xaqiijinayo himilooyinkeenna ku aaddan mustaqbal cagaaran.
May be an image of 3 people, people studying, table and textMay be an image of 2 people and people studyingMay be an image of 2 people and text
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here