NEW YORK KHAMIIS 26-09-2024; Shir heerkiisu sareeyo oo looga hadlayay qaxootiga u barakacay isbedelka cimilada ayaa maanta ka dhacay magaalada New York, iyadoo ay ka soo qayb-galeen madax iyo wakiilo caalami ah.
Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada JFS, Amb. Khadiija Maxamed Al-makhzoumi, ayaa khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeedisay shirkan, iyadoo sheegtay in Soomaaliya ay wajahday dhibaatooyin ka dhashay isbedelka cimilada.

Wasiirka ayaa tilmaantay in 4 milyan oo qof oo Soomaali ah ay gudaha dalkooda ku barakaceen, iyagoo wajahaya xaalado adag oo ay keeneen abaaro daba dheeraaday iyo fatahaado. Wasiirka ayaa hoosta ka xarriiqday in haddii aan si degdeg ah loo wajihin, tirada dadka barakacaya ay kor u dhaafi doonaan 7 milyan oo qof sanadka 2050.

Sidoo kale, Wasiirka ayaa ugu baaqday beesha caalamka in ay taageeraan mashaariicda gacan weyn ka geysanaya la tacaalidda caqabadaha isbedelka cimilada. Waxaa la wada dareensan yahay in Soomaaliya ay dadaal xooggan ugu jirto iskaashiga caalamiga ah, si loo xoojiyo ka jawaabidda dhibaatooyinka cimilada, iyadoo ay muhiim tahay in la ilaaliyo xuquuqda dadka ay saameysay cimiladu.

Wasiirka ayaa ugu dambeyn ku adkaysatay in la sii wado wada shaqeynta caalamiga ah si loogu diyaar garoobo natiijooyinka laga filayo shirarka waaweyn ee soo socda ee COP29.
May be an image of 10 people and textMay be an image of 2 people, dais and text
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here