In ka badan 100 askari oo ka tirsan ciidanka Jubbaland ayaa ku biiray Ciidamada Qalabka Sida ee ku sugan Raaskambooni, kuwaas oo qayb ka noqonaya howlgalka Khawaarijta looga xoraynayo deegaannada ay ka joogaan Jubbaland.

Ciidamadan ayaa sheegay in markii ay ka soo baxayeen Kismaayo uu soo diray Eedeysane AXMED MAXAMED ISLAAM, isagoo ku soo amrey inay la dagaalamaan Ciidamada Qalabka Sida, hase yeeshee ay doorbideen inay fursaddan kaga faa’ideystaan inay ku soo biiraan Ciidamada Qaranka.

Advertisement
Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa waxaa ka go’an in ciidamadan kaga soo biiray maamulka Jubbaland la nidaamiyo lana xaqiijiyo inay helaan xuquuqdii ay lahaayeen oo muddo la dudsiinayey, si ay ugu adeegaan danaha qaranka, la dagaalanka argagixisada iyo xasilinta dalka.No description available.
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here