MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Dowlada Somalia ayaa si rasmi ah u qaadatay taladii siyaasiyiinta Mucaaradka ee badankoodna ku jira xildhibaanada Soomaaliya sida Xildhibaan C/raxmaan C/shakuur warsame,Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xildhibaan Shariiif Sheekh Axmed iyo Ra’iisulwasaarihii hore Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Siyaasiyiintaan mucaaradka ah ee hadana xukun doonayaasha ah ayaa dhamaantood barahooda bulshada ku soo qoreyay maalmihii ugu dambeeyay talo soo jeedin iyo eed ku saabsan habka Dowladu u wajaheyso iska caabinta damaca Itoobiya.

Advertisement

Siyaasiyiintaan ayaa si isku mid ah waxay Dowlada ugu soo jeediyeen in midnimo Soomaaliyeed lagu wajaho iska caabinta cadowga Itoobiya sida ineysan colaad u muujin siyaasiyiinta qaar ee xoogaa si qaldan uga hadla qadiyada Itoobiya.

Dowlada ayaa maalmahaan dambe laga cabsi qabay inay xasaanada ka qaado xildhibaano Soomaaliyeed ee ka soo jeeda Koonfur-Galbeed kuwaasoo dhawaan muujiyay taageerada joogitaanka Ciidamada Itoobiya.

Ku simaha Madaxweynaha Soomaaliya ahna Gudoomiyaha Baarlamaanka Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta ku guuleystay inuu xaliyo khilaaf ka dhex taagnaa xildhibaanadii dhawaan taageeray joogitaanka Ciidamada Itoobiya iyo kuwa ka soo horjeestay taasoo sababtay in Odey dhaqameedyo ka soo jeeda Beesha Hawiye ay arinta culeys u sii yeelaan markii ay aad u dhaliileen xildhibaanada reer koonfur-Galbeed ee taageeray Itoobiyaanka taasoo arintii waji beeleed u sii yeeshay.

Sheekh Aadan Madoobe ayaa shir u qabtay xildhibaanada wuxuuna ku guuleystay in la is fahmo, la heshiiyo islamarkaana ay xildhibaanada Hawiye raali gelin ka bixiyaan hadalkii Odayaasha dhaqanka reerkooda,wayna aqbaleen.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here