Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta ee XFS, Dr. Cilmi Maxamuud Nuur oo ay wehliyaan Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Madaxa mashruuca NAGAAD, iyo La-taliyeyaal kale, ayaa kulan muhiim ah la qaatay Safiirka Boqortooyada Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya, Amb. Mike Nithavrianakis, iyo madax ka socotay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Ingiriiska iyo qeybta Horumarinta UK ee FCDO.
Wasiirka iyo Safiirka ayaa ka wada hadlay mashaariicda dib-u-dhiska iyo guriyeynta, gaar ahaan mashruuca qorsheynta magaalooyinka iyo cagaareynta dalka, iyadoo labada masuul isku raaceen in la dardargeliyo howlaha dib-u-dhiska Soomaaliya.
Wasiir Cilmi Maxamuud Nuur ayaa uga mahadceliyey Boqortooyada Ingiriiska taageerada iyo dadaalka ay ugu jirto dib-u-dhiska Soomaaliya.![May be an image of 2 people and text that says "မေးရက် PROIT ishEn ish Er igl HE ov.uk/wor /wor omalia f fU U alii me"](data:image/svg+xml,%3Csvg%20xmlns='http://www.w3.org/2000/svg'%20viewBox='0%200%200%200'%3E%3C/svg%3E)
![May be an image of 10 people and text](data:image/svg+xml,%3Csvg%20xmlns='http://www.w3.org/2000/svg'%20viewBox='0%200%200%200'%3E%3C/svg%3E)
![May be an image of 10 people and text that says "GLE shE"](data:image/svg+xml,%3Csvg%20xmlns='http://www.w3.org/2000/svg'%20viewBox='0%200%200%200'%3E%3C/svg%3E)
Advertisement