KISMAAYO (DAYNIILE.COM)-Dowlada Faderaalka Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay waxay gar gaar raashin ah gaarsiisay Deegaanka Buulo-Xaaji oo 80KM u jira Kismaayo kaasoo dhawaan Alshabaab laga saaray,sidoo kalana dagaalo badana ay ka dhaceen.

Hay’ada Maareynta Musiiboyinka SoDMA oo Dowlada dhankaasi ugu qaabilsan ayaa gaartay deegaanka Buulo Xaaji ee gobolka Jubbada Hoose xili ay hor kacayeen gaadiidka xamuulka oo ay raashin ku wadeen.

Advertisement

Shalay ayay ahayd markii furimaha dagaalka Deegaanka Buulo-Xaajio uu gaaray Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xamze Cabdi Barre kaasoo dhiiri gelin ugu tagay ciidamada Jubaland ee Alshabaabka ka hor tagay.

Qoys kasta waxaa la siiyay raashin kala nuuc ah oo jawaano ku jira sida burka ,bariiska iyo haagad saliid cadeey ah.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

May be an image of 5 people and textMay be an image of one or more peopleMay be an image of goose and swanMay be an image of 2 people and textMay be an image of goose and swanMay be an image of 3 people

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here