Sida lagu shaaciyay Warbaahinta Dowlada Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumada Soomaaliya oo ka duuleysa waajibaadka ka saaran awood-siinta dhallinyarada Soomaaliyeed, ayaa magacaawday Golaha KMG ah ee Dhallinyarada Qaranka.
Golaha oo ah mid ku meel gaar ah, waxa uu muddo labo sano ah ka shaqeyn doonaa metelaadd dhallinyarada Soomaaliyeed gudaha iyo dibadda, awood siinta dhallinyarada iyo dhismaha golaha rasmiga ah, ayagoo wadashaqeyn dhow la yeelan doonaya Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir, xubnaha golah ayaana ka kooban 17 xubnood oo kala ah ,5 xubnood oo guddoonka ah, 10 xubnood oo madax qeybeedyo ah iyo 2 xubnood oo mateleysa dhallinyarada baahiyaha gaarka ah qaba.
Advertisement