Hay’adda Maareynta Musiibooyinka ee SoDMA ayaa magaalada Muqdisho ka dirtay deeq gargaar ah oo qeyb ka ah deeqaha dowladda Shiinaha ugu deeqday shacabka Soomaaliyeed, kuwaas oo ku wajahan degaannada maamulka KMG ah ee SSC-Khaatumo.

Gargaarkaan oo ka kooban 500 oo tan oo raashin ah ayaa Doon looga qaaday Dekedda Muqdisho, taas oo geyn doonta Boosaaso looga daabuli doono gaadiid.

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa sheegay in Hay’addu u taagan tahay caawinta bulshada Soomaaliyeed, si kasta oo wax loo gaarsiin karaana lagu gaarsiinayo.
May be an image of 3 people and timber yardMay be an image of 2 people and textMay be an image of 2 peopleMay be an image of timber yard and textMay be an image of timber yard and textMay be an image of timber yard and text
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here