Guddiga Maaliyadda gurmadka Qaran oo kulan ku yeeshay xarunta dhexe ee hay’adda SoDMA, ayaa maanta deeq lacag dhan 20,000 oo dollar waxa ay ku wareejiyeen Aabbe Maxamuud Cali Daboole oo Saddex Wiil uu dhalay qasaaro dhimasho iyo dhaawac ka soo gaartay weerarkii Khawaarijta ka fulisay Xeebta Liida billowgii bishii hore.

Saddexda wiil oo ahaaa dhallinyaro aqoonyahano ah mid kamid ah waxa uu ku geeriyooday weerarkaas kaas, halka labada kale oo lagu kala magacaabo Abdullaahi Maxamuud Cali iyo Cabdiraxmaan Maxamuud Cali oo ku kala jira da’aada 20 iyo ilaa 18-sanno weerarkaas uu ka soo gaaray dhaawac aad u culus oo aan dalka waxba looga qaban karin, waxaana maalmaha soo socda guddiga cafimaad dibadda ah ay u qaadi doonaan.

Goobta lacagtaan lagu wareejinaayay waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Maxamuud Macallin Cabdulle, iyo qeybaha kale ee guddiga oo ka kooban Culimo, Ganacsato iyo haweenka Qaranka, waxaana ay ugu baaqeen ummadda Soomaaliyeed in ay cawiyaan aabahaan oo wajahaya xaalad adag.
May be an image of 5 people, dais and textMay be an image of 6 people and daisMay be an image of text
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here