BAARDHEERE (DAYNIILE.COM)-Gudoomiyaha Gobolka Geddo ee dhawaan Dowlada Somalia magacowday ayaa maanta badalay dhamaan maamulkii ka jirey Baardheere kuwaasoo hoos tagi jirey Maamulka Jubaland oo a Dowlada isku dhacsan yihiin.

Gudoomiyaha ayaa magacaabay masuuiyiinta Degmadaasi oo dhamaantood Dowlada Somalia si toos ah u hoos iman doona wixii maanta ka dambeeya taasoo sii kordhin karta xiisada ka dhex taagan Dowlada Somalia iyo Maamulka Jubaland.

Advertisement

Gudoomiyihii hore ee Magaalada Baardheere Aadan Muxumed Axmd (Dhagacade)ayaa saxaafada la hadlay wuxuuna cadeeyay isbadalka Dowladu ku dhaqaaqday isagoona ku eedeeyay dowlada inay sio sharci daro ah u martay arintaasi.

“Dowlada Somalia waxay burburisay dastuurkii iyo shuruucdii dalka waxayna sameynayaan xad-gudub ka dhan ah Maamulka sida sharciga ah uga jiray Magaalada Baardheere iyagoo adeegsanaya Gudoomiyihii hore ee Maamulka Jubaland uu xilka ka qaday eee Gobolka Geddo”ayuu yiri Gudoomiyihii hore ee Magaalada Baardheere oo cara badan ay ka muuqatay.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here