Dowladda Soomaaliya oo kaashaneysa Midowga Yurub iyo IOM ayaa maanta dalka dib ugu soo celisay 147 muwaadin oo si tahriib ah ku tagay dalka Libya, waxaana laga soo badbaadiyey xabsiyo ay muddo dheer ku jireen iyo kooxo madax-furasho u heystay.
Dowladda Soomaaliya ayaa dhalinyaradaan ka kala dejisay magaalooyinka Muqdisho iyo Hargeysa, masuuliyiin ka tirsan dowladda ayaa ku soo dhaweysay garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.




Advertisement