MANDHERA (DAYNIILE.COM)-Kooxo hubeysan ayaa la soo sheegayaa inay dil iyo afduub iyo ka gaystay xadka beeneedka Somaliya iyo Kenya.
Kooxahaan ayaa gaari waxay kala degeen meel ku dhaw Mandhera wiil yar iyagoona wadan ku hor toogteen adeerkiis,Ciidamada Booliiska Kenya ayaa lagu wargeliyay inkastoo aysan ku guuleysan inay soo helaan wiilka yar.
Booliiska Kenya meydka oo kaliya ayay soo gaarsiiyeen Magaalada Mandhera si ay ugu wareejiyeen ehelkiisa.
Kooxaha dilka gaystay ayaa ka gudbay xad-beenaadka waxayna u talaabeen dhanka Somalia markaasoo wiilkii yaraana ay iska fasaxeen oo ay uga tageen duurka.
Sida ay cadeysay ayeeyada wiilka yar kooxaha cunuga afduubtay ayaa dad kale oo soomaali ah islamarkaana xoola dhaqato ah waxay ku wareejiyeen wiilka kuwaasoo iyagana maamulka Dowlada Somalia ee Magaalada Balad-xaawo ku wareejiyay.
Dowlada Somalia waxay wiilka ku celiyeen dhanka Kenya oo hore looga soo afduubtay iyagoo ku wareejiyay booliiska Mabndhera oo iyaguna qoyska ku wareejiyay wiilkooda inkastoo adeerkiis ay dileen burcada.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM