HomeWarkiiDowlada Somalia oo ka qeybgashay Shir-weynaha maareynta deymaha Caalamiga ah+SAWIRRO

Dowlada Somalia oo ka qeybgashay Shir-weynaha maareynta deymaha Caalamiga ah+SAWIRRO

May be an image of textHantidhowraha Guud ee JFS, Axmed Ciise Guutaale, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ka qeybgalaya Shir-weynaha Maareynta Deymaha Caalamiga ah ee Ganacsiga iyo Horumarinta Qaramada Midoobay (𝐔𝐍𝐂𝐓𝐀𝐃) kaas oo ka socda magaalada Geneva ee dalka Switzerland.

Shirkan oo la qabto labadii sanaba mar ayaa kalfadhigiisan 14-aad, oo soconaya 𝟏𝟕-𝟏𝟗-𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐫𝐜𝐡 𝐞𝐞 𝟐𝟎𝟐𝟓, waxaa looga doodayaa qaabka loo dhigayo maalgelinta ajandaha horumarka oo ay qaddiyadaha deymuhuna udub dhexeed u yihiin.

Waxyaabaha shirkan lagu sahminayo waxaa ka mid ah raadinta xalal wax looga qabanayo xiisadaha deymaha adduunka, iyo hindisidda istiraatiijiyado lagu maareeynayo deymahaas, iyada oo diiradda la saarayo xoojinta adkeysiga, maareynta iyo wax-ka-qabashada qataraha xiisadaha adduunka ka jira.

Hantidhowraha Guud ee JFS ayaa shirkaas ku metelay Soomaaliya oo qeyb ka ah dalalka maareeyey deymihii lagu lahaa, kadib markii ay si fiican uga shaqaysay qaariiraddii deyn-cafinta oo ay ugu dambeyn dowladdu ku guuleystay.May be an image of 8 people, dais and text that says "40TE CUROOAD SOMALIE"May be an image of 10 people, dais and text that says "LDARE EURODAD SOMALIE"May be an image of 1 person and text that says "វសយ SOMALIE ለን ว SLOVAQUIE NEPAL"
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -