Wafdi ka socday Wasaaradda Caafimaadka XFS ayaa ka qeyb galay Shirweynaha Kulanka Guud ee Qaramada Midoobay ee sanadkaan looga hadlayay khatarta caafimaad ee adkeysiga daawooyinka jeermis dilaha ah.

Kulanka oo uu furay Madaxweynaha Golaha Guud ee QM ayaa waxaa lagu ansixiyay siyaasadda ka hortagga khatarta adkeysiga daawooyinka jeermis dilaha ah.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka XFS oo khudbad ka jeediyay shirka ayaa sharaxay dadaalada Wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ay wax uga qabanayso sidii looga hortagi lahaa khatarta ka dhalata adkeysiga daawooyinka jeermis dilaha ah.

Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Caafimaadka XFS oo isna ka hadlay madasha ayaa caalamka ka dalbaday in Soomaaliya laga taageero sidi ay wax ugu qaban laheyd khatarta ka dhalata adkeysiga daawooyinka Jeermis dilaha ah.
May be an image of 6 people, dais, newsroom and textMay be an image of 2 people and daisMay be an image of 8 people, crowd and textMay be an image of 2 people, dais and textMay be an image of newsroomMay be an image of 9 people, newsroom and textMay be an image of 2 people and textMay be an image of 7 people and textMay be an image of 3 people and textMay be an image of 2 people and text that says "YAMAHA BHUTAN"May be an image of 4 people, newsroom and textMay be an image of 6 people, newsroom, dais and textMay be an image of 6 people, newsroom and text
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here