Wasiirka Maaliyadda XFS mudane Biixi Imaan Cige ayaa maanta ka qeyb galay dood heer keedu sareeyo oo ay goob joog ka ahaayeen qaar ka mid ah Wasiirada Maaliyadda dalalka Afrika iyo aqoon yahano ku xeel-dheer arrimaha dhaqaalaha, dooddaas oo diiradda lagu saaray arrimaha deymaha iyo sidii maalgalin u heli lahaayeen dalalka gobolka, xili maalinkii 2-aad uu soconayo shirka Sanad laha ah ee Maaliyadda Afrika (𝐀𝐟𝐫𝐜𝐚 𝐅𝐢𝐧𝐚𝐧𝐜𝐢𝐚𝐥 𝐒𝐮𝐦𝐦𝐢𝐭) oo lagu qabanayo magaalada Casablanca ee Boqortooyada Morocco.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda XFS ayaa la wadaagay ka qeyb galayaashii doodda iyo dhageystayaashii madasha fadhiyay waayo-aragnimada Dowladda Soomaaliya ee waddadii deyn cafinta, xilli ay sare u kaceen dalalka deymaha lagu leeyahay ee qaaradda Afrika , ku waas oo qaar kood hada ku guda jira dariiqii ay Dowladda Soomaaliya ee martay ee hannaanka loo yaqaano HIPC.

Doodda oo su’aalo muhiim ah lagu weydiiyay Wasiirka Maaliyadda ayaa sidoo kale sharaxaad ka bixiyay habkii ay Dowladda Soomaaliya uga go’neyd ka gudbidda dhammaan shuruudihii la hor dhigay iyo dadaalka Wasaaradda Maaliyadda ee sare u qaadidda dakhliga gudaha, dib-u-habeynta hey’adaha Maaliyadda, nidaamka hufnaanta iyo Maamul-Wanaagga Maaliyadda, ku waas oo ahaa mudnaanta koowaad ee Wasaaradda iyo guud ahaan hey’adaha kale Dowladda Soomaaliya.May be an image of 1 person, dais, newsroom and textMay be an image of 5 people and textMay be an image of 9 people, newsroom and textMay be an image of 11 people, newsroom and text that says "0た AFIS AFL AFIS AFIS ΛΙ AFIS AFIS AFIS ትትልቶ AFIS oO AFIS AFIS AFIS AFIS AFIS"
May be an image of 9 people, newsroom and textMay be an image of 12 people, newsroom and text
May be an image of 5 people, newsroom, dais and text
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here