Muqdisho, 21 June 2024: Dowladda Federaalka ee Soomaaliya waxay ka xun tahay in laba ka mid ah xubnaha Baarlamanka Federaalka Soomaaliya ay soo wajahday xaalad ay sheegeen in amnigooda wax loogu dhimayey oo ku qabsadey magaalada Nairobi ee dalka Kenya.
Waxaa sidoo kale ay DFS si xooggan u beenineysaa wararka Xildhibaanadaasi ay baraha bulshada ku baahiyeeen ee ay dhacdadaasi ugu xiriirinayaan Dowladda Soomaaliya.
Dowladda Federaalka ee Soomaaliya waxay u taagan tahay ka shaqaynta iyo dhiirigelinta xoriyadda hadalka, fekarka iyo siyaasadda muwaadiniinta Soomaaliyeed ee dastuuriga ah, meel kasta oo ay joogaan.

Soomaaliya iyo Kenya waxaa ka dhexeeya xiriir wanaagsan oo ku saleysan derisnimo wanaag iyo is qaddarin, waxaana xubnaha Baarlamanka Soomaaliya ee dhacdadaasi ay soo wajahdey la gudboon inay la xiriiraan laamaha amaanka ee Kenya oo waajib ka saaran yahay sugidda amniga, ilaalinta shacabka iyo martida dalkooda ku sugan si loo bayaamiyo sida ay wax u dhaceen.
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here