MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Dowlada Soomaaliya ayaa ka hadashay qaraxioi xalay ka dhacay Muqdisho iyo khasaaraha ka dhashay waxaana aay ku sharaxeen qoraal ay ku shaaciyeen warbaahinta Qaranka.
Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Gaashaanle C/fitaax Aadan Xasan Qaraxa wuxuu ku sheegtay inuu ka dhacay xalay Maqaayadda Top Coffee oo ku taalla agagaarka taalada Daljirka Dahsoon ee magaalada Muqdisho islamarkaana loo adeegsaday Gaari ay Alshabaab ku soo rareen waxyaabaha qarxa.
Gaariga qaraxa sida waxaa la dhigay banaanka maqaayadda, sida uu sheegay Afhayeenka Booliiska.

Dhanka khasaaraha nafeedAf-hayeenku wuxuu sheegay inay qaraxaasi ku dhinteen  5-qof halka ku dhowaad 20 kalena ay ku dhaawacmeen qaraxaas.

sidoo kale warbixinta Afhayeenka waxaa ku jira inay gaadiid iyo goobo ganacsi ku burbureen qaraxa, iyadoona ay socoto qiimeynta khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qaraxaas.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here