Ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed iyo Ciidammada Deegaanka ayaa saakay jab xooggan u geystay Maleeshiyada kooxda Khawaarijta ah oo waaberigii hore ee saakay weerar kusoo qaaday fariisimmo ay Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo deegaanka ku leeyihiin degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud.

Ciidammada ayaa horey u hayey xogta iney maleeshiyaadku Khawaarijtu qorsheynayeen Weerarkan taasi oo keentay in Ciidammada Xoogga Dalka iyo Ciidammada Deegaanka oo aad u feejigan islamarkaana difaacyo uga jira meel ka baxsan fariisimihii lagu yaqiinay ay qaflad ku qabtaan Maleeshiyaadkii qorshahoodu ahaa iney wax dhagraan taasina ay sahashay in Maleeshiyaad badan halkaasi lagu laayo.

Warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed oo la xiriirtay saraakiil ku sugan degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud ayaa xaqiijiyey in Ciidammada Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka ay jab xooggan u geysteen Maleeshiyaadkii Khawaarijta oo iyagu dhowr jiho kasoo weeraray magaalada balse badankood Maleeshiyaadka halkaasi lagu dilay islamarkaana hada uu hawlgalka ka socdo duleedka magaalada.

Dowladda ayaa faah faahin ka bixin doonta marka uu soo gebageboobo hawlgalka oo weli socda insha Allah.
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here