DOOLOOW (DAYNIILE.COM)-Amar la sheegay inuu ka soo baxay Dowlada Somalia ayaa lagu joojiyay dhamaan shaqadii garoonka diyaaradaha Magaalada Dooloow ee Gobolka Geddo marka la eego kuwii tagi jirey iyo kuwii ka soo bixi jirey intaba.
Warar shalay lagu baahiyay baraha bulshada ayaa lagu sheegay in Dowladu ka war heshay qorshe Maamulka Jubaland iyo Itoobiyaanka iska kaashadeen oo ahayd in hub Doolow laga qaadayo la gaarsiiyo Magalada Baardheere ee isla Gobolka Geddo.
Wararka ayaa tilmaamaya inay u badan tahay in Dowladu talaabadani u qaaday arintaasi hubka ku saabsan si ay uga hor tagto in maamulka Jubaland hub sharci daro ah u raro Magaalada Baardheere.
Dhacdada shalay waxaa la sheegay in Dowladu uga hortagtay hubkaasi la rabay in loo qaado Magaalada Baardheere,lamana oga inta uu sii jiri karo xanibaada saaran garoonka doolow oo la ogyahay inuu ka mid yahay garoomada ugu mashquulka iyo shaqada badan kuwa ka jira Gobolada Dalka.
Dhanka kale Dowlada Somalia iyo Maamulka Jubaland labadaba midkoodna si rasmi ah ugama hadlin wararkaani shalay iyo maanta ka soo baxaya Gobolka Geddo taasoo qeyb uun ka ah khilaaka labada dhinac u dhexeeya.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM