Dowladda Soomaaliya ayaa la sheegay inay ka dalbatay Booliiska Aduunka ee interpool inay u soo gacan geliyaan Madaxweynaha Maamulka Jubaland ee waqtigiisu dhamaaday Axmed Madoobe kasoo ay ku eedeeyeen inuu qiyaano qaran ku kacay.
Codsiga Dowlada Somalia ay u dirtay inter pool ayaa ku saabsan soo saarista digniin caalami ah (Red Notice) oo ka dhan ah Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) Madaxweynaha Maamulka Jubaland.
Sidoo kale Dowlada Somalia waxay ku eedeysay Axmed Madoobe carqaladeynta midnimada iyo wadajirka Soomaaliya iyo ka shaqeynta dowlado shisheeye.
Codsigaan Dowladu u dirtay Inter pool wuxuu Dowlada Somalia uga dhigan yahay in Axmed Madoobe yahay dambiile caalami ah , wuxuuma ogolaanayaa codsiga digniinta caalamiga ah in Axmed Madoobe lagu qaban karo dal kasta oo ka mida Interppol sida uu sheegay garyaqaan u dhashay dalka Mareykanka.
Red Notice-ka ay soo saarto Hay’ada Inter-pool waa codsi caalami ah oo la xiriira soo qabashada qof loo heysto dacwad laakiin macnaheedu maaha inuu markiiba maxbuus noqonayo.
Si kastaba ujeedka ugu weyn ee Dowlada ayaa la oran karnaa inay hesho taageero dunida ah si Axmed Madoobe Maxkamad loo horkeeno oo loogu qaado dacwadaha loo heysto.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM