MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Waxaa Xalay si rasmi ah gacanta Dowlada u soo galay hub casri ah oo ay ka heshay Dowlada aan walaalaha nahay ee Masar kaasoo laga soo dejiyay Dekada Muqdisho.

Advertisement

Baraha bulshada waxaa saaka aad loogu faafiyay gaadiidka dagaalka iyo hub u badan madaafiicd goobta ee ciidamada Milatarigu u isticmaalaan dagaalada Dalka lagu difaacayo.

Wadada Maka -Almukarama iyo wadooyin kale ayaa xalay la marsiiyay gaadiidkaan oo u badnaa kuwa xamuulka, kuwa gaashaaman ee jiida madaafiicda goobta iyo kuwo kale oo dhamaantood Dowladu baahi weyn u qabtay madaama Dowlada Itoobiya ay xiligaan rabto inay xoog ku boobto dhulka Somalia.

Dhanka kale waxaa arintaan si aan rasmi ah ahayn oo sarbeeb ah uga hadlay Wasiirka Didaaca Soomaalia C/qaadir Maxamed Nuur oo booqday dekada Muqdisho xiligii hubku soo degayay.

Wasiirak C/qaadir Maxamed Nuur wuxuu ku sheegay qoraalkiisa  in Soomaaliya xilligan ka baxday  xilligii la dhihi jiray cidaa la macaamileyso waa in aanu inagu raali ka nahay isagoo ula jeeda Dowlada Itoobiya.

“Dowlada Somalia iyo hogaankeedu wuu yaqaanaan dantooda,sidoo kale waaa yaqaanaan cida  cadow ku ah iyo kuwa walaalka la ah intaba”ayuu yiri Wasiiirka Gaashaandhiga C/qaadir Maxamed Nuur.

Hubkaani Soomaaliya u soo degay ayaa ku soo aadaya xili Ciidamada Itoobiya marba Somalia magaaladey rabaan iska soo galaya iyagoo aan waxba kagama amar qaadan Dowlada Somalia madaama ay yasayaan , waxaa muuqata in Dowladu isku tashaneyso mar aan dheereyna Itoobiya xuduud beeneedka dhankeeda ay dib ugu guran doonto.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

No description available.No description available.No description available.No description available.No description available.No description available.No description available.No description available.No description available.

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here