MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Bur ka koobnaa kumaan loor oo saarnaa dhowr baabuurta xamuulka ah ayay maanta gubtay Dowlada Somalia kadib markii la ogaaday inuu dhacay islamarkaana uu ka gudbay xiligii uu ku haboonaa in la cuno.

Agaasimaha Kormeerka Hey’adda Tayo Dhowrka Maxamuud Cilmi Fidshe ayaa shir jaraa’id ku qabtay goob fagaare ah oo ku taal Degmada gubta ee Magaalada Muqdisho halkaasoo Dowladu u dooratay in lagu gubo madaama uu yahay dhul banaan.

Advertisement

Agaasimaha Kormeerka Hey’adda Tayo Dhowrka Maxamuud Cilmi Fidshe wuxuu carabka ku dhuftay in dhawaan Dowladu qabatay burkaan kadibna ay kooxdiisu baareen markaasoo ay cadeeyeen inuu yahay bur dhacay.

Maxamuud Cilmi Fidshe wuxuu intaasi ku daray in ilaa Maxkamad la isla tagay , sidaasna ay Maxkamadu ku soo saartay amar ah in la gubo si bulshada looga bad-baadiyo.

Masuulkaani wuxuu xusay hab-raacyadii la soo maray ay ugu dambeysay go’aanka maanta ugu dambeyn lagu gubay burkaasi dhacay ee dalka la soo geliyay si Soomaalida looga iibsho.

“Ganacsatada Soomaaliyeed bulshada haka daayaan waxyaabaha dhacay ee noloshaada qatarta ku ah inay soo iibiyaan.”ayuu yiri Agaasimaha Kormeerka Hey’adda Tayo Dhowrka Maxamuud Cilmi Fidshe

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

 

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here