Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goor dhaw wuxuu Magaalada Muqdisho ku Daah-furay Hindisaha Hirgalinta Muqdishada Cusub oo ay ku jiraan dhismaha Garoonka iyo Dekadda Caasimadda oo qaab Casri ah loo dhisi doono.

Masuuliyiin kala duwan oo Dowlada ka tirsan sida Ra’iisulwasaare Xamza  oo iyagana ka qeybgalay iyo Madaxweynaha ayaa dhamaantood hadalo kookooban waxay ka soo jeediyeen munaasabadaani.

Advertisement

Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed Axmed Macallin Xasan  ayaa madasha ka sheegay in Dowlada Soomaaliya ay leedahay qorshe ballaaran oo ay ku hormarineyso garoomadeeda diyaaradaha.

“Daah-furka Mashaariicda maanta waxaa ka dhalanaya kumanaan shaqo abuurka dhallinyarada Soomaaliyeed.”ayuu yiri Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya Jabriil C/rashiid

Gudoomiyaha Gobolka ahna duqa Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa isna madasha wuxuu ka sheegay inay maanta goob joog u ahaayeen daah-furka mashaariicda Muqdishada Cusub.

“Mashaariicdaan maanta aan daah-fureyno waxa ay fursad u abuurayaan kaabayaasha dhaqaalaha maalgashiga caalamiga ah iyo shaqo abuurka dhallinyarada.” ayuu yiri Guddooomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Maxamed Axmed Amiir

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Biixi Iimaan Cige ayaa dhankiisa xusay in Mashaariicdan lagu dhiiraday markii dalkeenna culeyska deymaha laga qaaday.

Dhanka kale waxaa isna ka hadlay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya  Xamse Cabdi Barre kaasoo tilmaamay  in maanta uu goob joog ka ahaa mashruuca  hirgelinta hiigsiga Soomaaliyada cusub.

No description available.

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here