Hay’adda Maareynta Musiibooyinka oo dadaal xooggan ku bixineysa yareynta saameynta taban ee ka dhalatay abaarta La-nina ee ku dhufatay dalka, ayaa gargaar banii’aadannimo oo isugu jira nuucyada kala duwan ee raashinka gaarsiisay magaalada Laasacaanood ee xarunta gobolka Sool.
Deeqdaan oo loogu tala galay ku dhawaad 20,000 oo qoys oo ah dadka nugul ee ku dhaqan gudaha magaalada iyo degaannada ku xeeran ayaa lagu wareejiyay maamulka KMG ah ee SSC-Khaatumo.
Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA, Md. Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa dadka Soomaaliyeed ee wax heysta ugu baaqay in ay garab istaagaan bulshada jilicsan ee abaaruhu saameeyeen, isagoo u mahadceliyay Dowladda Shiinaha oo dalka keentay gargaarka maanta gaaray magaalada Laasacaanood.
Advertisement