Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa faafisay inay aragtay Dokumentiyo muujinaya in dowladda Soomaaliya ay dooneyso inay ATMIS dalka sii joogaan lagana laabto qorshihii bixitaanka.

Wakaaladda wararka ee Reuters waxay sidoo kale sheegtay in dalabka Dowalda Somalia uu yahay in dib u eegis lagu sameeyo qorshihii bixitaan ee Ciidamada ATMIS  madaama Bisha December ATMIS u qorsheysan tahay inay ka baxdo gabi ahaanba dhulka Somalia.

Advertisement

La taliyaha Amniga Qaranka ee madaxweynaha Soomaaliya Xuseen Macalin ayaa hore  BBC ugu sheegay in wax-ka-bedelka jadwalka bixitaanka ciidamada nabad ilaalinta inay tahay mid farsamo inkastoo si cad uusan warka u bayaanin taaso loo fahmi karo sarbeeb run ka dhigeysa qorshaha Dowladu ku rabto in ATMIS sii joogto.

Xuseen Macalin wuxuu si adag uga hor yimid wararka faafay ee ah in Dowladu rabto in ATMIS sii joogaan xili uu hore Madaxweyne Xasan u  sheegey ineysan u baahneyn ciidan shisheeye ayna isku filan yihiin islamarkaana ay heystaan Ciidamo Soomaaliyeed oo badeli kara ATMIS.

La taliyaha Madaxweynaha wuxuu  ka bad-badin ku tilmaamay in wararka sheegaya  cabsi laga qabo dib usoo kaca kooxda Al-Shabaab.

“Qorshaha Dowladu wado waa mid looga fogaanayo faaruq farsamo xilliga kala-guurka”ayuu yiri Xuseen Macalin La taliyaha dhanka amniga ee Madaxweynaha Soomaaliya.

Dhanka kale waxaa jira warar kale oo sheegaya Ciidamada ATMIS markey baxaan December in lagu soo badeli doono ciidamo kale oo aad uga yar tiradii ay awal ku joogeen madaama Dowladu inta badan Gobolada uga maaran tahay Ciidamadaasi oo waqtiyadaan danbe ay ku soo koobmeen xarmaha gaarka ah sida garoomada diyaaradaha Maamul Goboleedyada iyo Federaalka.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here