Dowlada Somalia oo digniin culus u dirtay shacabka ku dhaqan Magaalada Jilib

Muqdisho, 18 March 2025: Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa qiimeyn ku sameyneysa khasaaraha ballaaran ee Khawaarijta lagu gaarsiiyay Degmada Jilib markii Ciidamada Qalabka Sida iyo saaxiibada caalamiga ay beegsadeen goobo ay halkaasi argagixisadu ku lahayd, lagana soo maleegayey shirqoolada iyo dhibaateynta shacabka.

Cadowga Khawaarijta ayaa sida la rumeysan yahay jab xooggan kala kulmey weerarkaasi, iyagoo si dadban u qiraya jabkaasina ay xubno ka tirsan argagixisada ka soo muuqdeen baraha bulshada.

Sida la xaqiijiyay ma jirin dad rayid ah oo wax ku noqday weerarkii Jilib.

Weerarka ka dhacay Jilib ayaa qeyb ka ah hawlgalo Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ay ku beegsaneyso haraadiga kooxaha argagixisada ee ku dhuumaaleysanaya meelo kooban oo dalka ka mid ah.

Shacabka ku nool Degmada Jilib iyo goobaha kale ee argagixisadu gabbaadka ka dhiganayaan ayaa waxaa mar kale loogu baaqayaa inay ka fogaadaan goobaha cadowga lagu beegsanayo si loo baajiyo khasaare dadka rayidka soo gaara.

Ciidamada Qalabka Sida ayaa guulo badan ka soo hoyay dhowaan dagaallada lagu ciribtirayo Khawaarijta, iyadoo Degmada Jilib oo argagixisadu ka soo maleegaan shirqoolada nabadda lagu carqaladeynayo ay bartilmaameed koowaad u tahay Ciidamada Dowladda.
No photo description available.
Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here