MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-War maanta ka soo baxay Dowlada Somalia ayaa digniin adag waxaa loogu diray dadka baraha bulshada ka dhex hurinaya colaadaha sokeeye xili maalmihii ugu danbeeyay ay gobolada dalka ka socdeen dagaa;l beeleedyo dad badan ku dhinteen.

Wasaaradda Warfaafinta  Soomaaliya oo warsaxaaadeedkeenu uu ka soo baxay ayaa xustay in talaabo adag laga qaadi doono dadka ku howlan inay baraha bulshada adeegsadaan iyagooisticmaalaya muuqaalada, sawirada, codadka, iyo qoraallada lagu sii hurinayo colaadaha.

Advertisement

Warsaxaaadeedka waxaa ku jira in wasaarada Warfaafinta  Soomaaliya ay si dhaw ula socoto dadka ku howlan hurinda dagaal beeleedyada kuwaasoo adeegsanaya aaladaha baraha bulshada iyo warbaahinta intaba.

Haddaba halkaan ka akhriso warsaxaadeedka oo sidiisa u qoran:-

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here