HomeWarkiiDowlada Somalia oo dalka ka ceyrisay ku xigeenka madaxa ATMIS

Dowlada Somalia oo dalka ka ceyrisay ku xigeenka madaxa ATMIS

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Dowlada Faderaalka Soomaaliya ayaa ugu dambeyn Dalka ka ceyrisay ku xigeenka madaxa ATMIS kaasoo dhawaan shir QM ka sheegay in Alshabaab Muqdisho ku soo dhaw yihiin.

Dowlada ayaa ku amartay ku xigeenka ATMIS  Sivuyile Thandikhaya Bam inuu Dalka Somaia sida ugu dhaqsiyaha badan uga baxo iyadoo maanta qorshuhu ahaa inuu ka dhoofo Muqdisho islamarkaana uu dib ugu laabto Xarunta Midowga Afrika ee Adis-ababa.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku wargelisay guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Mahamoud Ali Youssouf in Sivuyile Thandikhaya Bam aan laga dooneyn Soomaaliya taasoo loo adeegsado diblomaasiyiinta shisheeye marka dalka laga eryayo (persona non grata).

Hadalka Bam ka jeediyay 9-kii April Shirka Golaha amaanka QM ayaa ku soo aaday xili Somalia QM ka tahay xubin aan joogto ahayn,waxaana Dowladu ka carootay mar uu soo hadal qaaday weerarada alshabaab mararka qaar ka geystaan deeegaano dalka ka tirsan.

Dowlada ayaa hore dalka uga ceyrisay diblomaasiyiin shisheeye mana ah markii ugu horeysay oo talaaba nuucaas ahi ay qaado Dowlada Faderaalka Soomaaliya.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COMeasttowestt 🌍 on X: "The international community is tired of the endless  road maps to nowhere and billions of dollars spent for no returns The  current head of AUSSOM Mr.Sivuyile Bam is

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -