No description available.MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Hay’adda maareynta musiibooyinka Dowlada Somalia ee marka magaceeda la soo gaabiyo loo yaqaan SoDMA ayaa caawa gaadiid siday gargaar u dirtay deegaanadii maalmo ka hor Alshabaabku sii weerareen balse la isla caabiyay.
Gaadidikaan oo nuuca xamuulka ayaa sida gar-gaar isugu jira Raashin, Teendhooyin, Daawooyin iyo agabyo kale oo muhiim ah.
Gar-gaarkaan waxaa sida gaar ah loogu direy Degmada Al-kowsar iyo deegaanka Ceel Cali Axmed oo dhawaan Alshabaab dib looga celiyay markii ay isku dayeen inay qabsadaan.
Guddoomiyaha SoDMA Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle oo tagay halka gadidiku ka baxayeen ayaa warbaahinta u sharaxay gar-gaarkaasi iyo halka ay caawa u direen.
Gudoomiyaha wuxuu sheegay inay 11 gaari oo gar-gaar sida ay u direen dadkii ku barkacay dagaaladii dhawaan ka dhacay Degmada Al-kowthar iyo Ceel-Cali Axmed kuwasoo uu tiradooda ku sheegay ilaa 15 kun qoys.
XAFIISKLA WARARKA
DAYNIILE.COMNo description available.No description available.No description available.No description available.No description available.No description available.No description available.No description available.No description available.No description available.No description available.
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here