Dowlada Somalia oo beenisay war Puntland ka soo baxay kaasoo ahaa in Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka (NIRA) ay degmooyin ka tirsan gobolka Mudug dhanka Puntland u diwaan gelisay dhanka Galmudug taasoo ah iska horkeenka labada mamul.
“Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka (NIRA) waxay si cad u beeninaysaa eedaymaha la faafiyay ee la xiriira Xarunta ay dhawaan ka furtay magaalada Gaalkacyo ee daanta Galmudug.
NIRA waxay caddaynaysaa in foomka Baraha Bulshada lagu faafiyay uu yahay mid been-abuur ah, foomka rasmiga ah ee Hay’adda waxaa laga heli karaa websaydkeeda iyo xarumaheeda kala duwan.”
Faahfaahinta arrintan ka akhri War-Saxaafadeedka hoose.