MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Wasiir ku xigeenka Warfaafinta Xukuumada Somalia C/raxmaan Al-cadaala ayaa si weyn u beeniyay warar maalmihii ugu dambeeyay la isla dhex-marayay kaasoo ahaa in Dowladu ka xirtay barahooda bulshada dad badan oo caan ah kuwaasoo Dowlada fikir ahaan uga soo horjeeday.
Alcadaala oo ka hadlayay shir looga hadlayay isbadalka qarankeena 5-ta sano ee soo socota ayaa soo hadal qaaday in horumarinta socila media-ha ay ku jirto qorshaha Dowlada madaama Socila Media aduunka oo dhan dhaqaale laga sameeyo xiligaan iyo waliba xirfado kala duwana laga barto.
“sidaad ogtihiin Somalia kama mid aha dalalka dhaqaalaha laga sameyn karo socila media-ha maxaa yeelay shirkadaha iska leh dalkeena xarumo kuma laha,Dowladu waxay ka shaqeyneysaa sidoo caqabadahaai looga gudbi lahaa islamarkaana Somalia qofku isagoo joogo uu dhaqaale uga sameyn lahaa socila media-ha”ayuu yiri Wasiri Al-cadala.
intaa kadib wariyayaasha ayaa wax ka weydiiyay eeda Dowlada loo jeediyay ee ah inay baraha bulshada ka xireen dad caan ah , oo ay beegsadeen inay ka fikir duwan yihiin, Wasiirka ayaana si weyn u beeniyay jiritaanka warkaasi.
“waxaasi wax ka jira malaha waa hadalo iska raqiis ah oo aan wax macno leh ku fadhin, Dowlada Somalia waxay ka shaqeysaahi waa inay xoriyatul qowlka hor-mariso,Dowlad ku dhisan qawaaniin,Dowlad u taagan dadka Somaliyeed u diyaariso fikradooda xorta ah ku gaaraan mustaqbalka,marka waxaas waxba kama jiraan,waxa aan ku kordhino iyo waxaan ku tarno waaye waxa aan raadineyno”ayuu yiri wasiir Al-cadaala
Sidoo kale wuxu si cad u sheegay ineysan jirin wax duruuf ah iyo baahi ku qasbeysa inay dhibaato u geystaan dalka.
“inaan dhib dadkeena u geysana iska daaye waxaan aaminsanahay baraha bulshadu inay faa’iido leeyihiin , taasna inaan ka shaqeynaa rabnaa ,dabcan wixii dhibaato ah oo yimaadana waxaan rabnaa dariiqad sharci ah wada hadal iyo wax baris inaan ku sameyno insha allaah”ayuu yiri Wasiir ku xigeenka warfaafinta
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM