Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS oo kaashaneysa Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Koonfur Galbeed ayaa kusoo gabagabeysay magaalada Baydhabo aqoon isweydaarsi ku saabsan casharada laga bartey dadaallada xasillinta ee Soomaalya.
Shirkan oo labo maalin socday ayaa xoogga lagu saaray in la qiimeeyo howlaha socda, iyadoo la muujinayo meelaha ugu khatarta badan ee u baahan faragelin degdeg ah iyo la socodka heerarka jilicsanaanta degmooyinka.
Masuuliyiinta labada heer ee ka qeybgalay kulanka ayaa ka dooday howlaha kala duwan ee Xasillinta, iyada oo lasoo jeediyey talooyin wax ku ool u ah dadaallada socda, waxaa sisoo kale laga hadlay iskudabbaridka iyo sida ugu haboon ee looga wada shaqeyn karo xasillinta.
Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS ayaa hoggaamineysa dadaallada xasillinta, iyada oo hey’adaha labada heer ee dowladda kala shaqeysa sidii horumar loo gaarsiin lahaa deegaannada soo kabashada ku jira ee dhowaan laga xoreeyay Khawaarijta.
Advertisement