Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ee SoDMA mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta shir guddoomiyay kulan gaar ah oo ay ka qeybgaleen George Conway oo ah ku xigeenka ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay iyo madaxa xafiiska UN-OCHA ee Soomaaliya Crispen Rukasha.

Shirkaan ayaa looga hadlay xoojinta dadaallada iyo isku-duwidda howlaha gurmadka, gacan ka geysiga arrimaha xasilinta, gaarista goobaha laga xoreeyay khawaarijta, wax ka qabashada caqabadaha la xiriira leexinta gargaarka iyo in ay SoDMA noqoto isku-duwaha hoggaanka u ah dadaalka xasilinta degdegga ah si gargaarka loogu hubiyo dadka loo qorsheeyay.

Advertisement

Sidoo kale kulankaan waxyaabaha looga wada hadlay waxaa kamid ah dardargalinta shirka madasha bani’aadannimada dalka taas oo dhawaan dhici doona, waxana shirkaas ka qeybgalaya hay’addaha gargaarka iyo Wasaaradaha dowlad goboleedyada ee arrimaha gargaarka ka shaqeeya.

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here