Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa kulan looga hadlaayay arrimaha gargaarka, korjoogteynta deeqaha, tayaynta aqoonta hay’adaha dowladda iyo qodobbo kale la qaatay madaxa Xafiiska USAID ee Soomaaliya Catie Lott oo ay wehliyeen xubno ka tirsan kooxda USIAD ee Muqdisho.

Kulanka waxaa looga hadlay sidii loo sii adkeyn lahaa dadaallada gargaarka, in la xoojiyo howlaha korjogteynta ee Hay’adda SoDMA heyso iyo in la maal-galiyo mashaariicda adkeysiga, gaar ahaan in ganacsiyo yaryar loo abuuro dadka nugul, lagana hortago in ay degaannadooda nolol xumo uga bara-kacaan.

Sidoo kale, kulanka waxaa diiradda lagu saaray in la joogo xilligii Dowladda Soomaaliya toos loo soo marsiin lahaa deeqaha dibadda ka yimaada iyo in la iska kaashado dhisidda kartida hay’adaha kala duwan ee dowladda si loo buuxiyo firaaqa jira.May be an image of 2 peopleMay be an image of 1 person and newsroomMay be an image of 3 people, people studying and table
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here