Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, qeybna ka yihiin madax ka tirsan hay’adda OCHA ayaa maanta gaaray xarunta maamulka Hirshabeelle ee Jowhar.

Ujeedka wafdiga ayaa ah u kuur-galidda khasaarihii ka dhashay dabkii qabsaday suuqa magaalada Jowhar ee gobolka Shabeelllada Dhexe, si ay u soo qiimeeyaan baaxada saamaynta ka dhalatay dabkaas, iyagoo isla maanta kormeeray suuqaas.

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka iyo masuuliyiin la socday ayaa la kulmay qaar kamid ah ganacsatadii ku hantibeelay dabka, wuxuu baaq u jeediyey dhammaan shacabka Soomaaliyeed iyo hay’addaha gargaarka inay u soo gurmadaan Ganacsatada walaalahood ah.
May be an image of 5 peopleMay be an image of 3 people and textMay be an image of speaker and crowdMay be an image of 3 people and people smilingMay be an image of 10 people and textMay be an image of 8 people and textMay be an image of crowd and timber yard
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here