HomeWarkiiDowlada Shiinaha oo shaacisay inay dagaal la galeyso canshuurta Trump

Dowlada Shiinaha oo shaacisay inay dagaal la galeyso canshuurta Trump

American and Chinese flags and USA dollars · Free Stock PhotoBEIJING (DAYNIILE.COM)-Dowlada Shiinaha ayaa si adag u hadashay dagaalka canshuurta ee Madaxweyne Trump uu ku hayo dunida gaar ahaan dalalka ganacsi is dhaafsiga uu kala dhaxeeyay gaar ahaan hanjabaaddii madaxweynaha Maraykanka Donald Trump.

Trump ayaan dhawaan ugu hanjabay Shiinaha inuu ku kordhin doono canshuuraha 50% ah haddii aanay ka noqon cashuurta aargoosiga ah ee ay ku dhawaaqeen.

War ka soo baxay Wasaaradda ganacsiga ee Shiinaha ayaa lagu sheegay in shiinuhu dagaalami doono ilaa dhamaadka oo aysan aqbalayn canshuurta Trump oo ay ku tilmaameen nooca baad ah oo Maraykanku ku dhaqaaqay.

Canshuuraha cusub waxay sababi karaan in shirkadaha Maraykanka qaarkood ee alaabaha ka keena Shiinahu waxa la leeyahay waxay wajahaan canshuur dhan 104%.

Dhanka kale Sida BBC-du sheegtay Suuqyada intooda badan ee Aasiya ayaa si caadi ah u furmay Talaadada maanta ah, inkastoo Taiwan ay la kulantay hoos-u-dhac kale oo dhan 4%, Suuqyada saamiyada ugu waaweyn Yurub – oo ay ku jirto FTSE 100 ee London – ayaa dhammaantood xidhmay iyadoo 4% hoos-u-dhac ah la kulmay Isniintii.

Dunida gaar ahaan dalalka waa weyn waxaa laga cabsi qabaa in khilaafkaani uu kordhinayo suurtogalnimada dagaal ganacsiyeed calami ah kaasoo galaafan kara dhaqaalaha adduunka.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -