WASHINGTON (DAYNIILE.COM)-War ka soo baxay Dowlada Mareykanka ayaa lagu baahiyay in Nin kamid ah kuwa jabsada xogaha internet-ka oo dowladda Shiinaha ay maalgelisay uu u dhacay nidaamka waaxda maaliyadda ee Maraykanka.

Mareykanku wuxuu sidoo kale sheegay in ninkaani jabsaday qasnadooda uu u gudbay qaybaha xogaha ee shaqada iyo shaqaalaha ee waaxda maaliyada Mareykanka.

Advertisement

Falkaan uu ku dhaqaaqay ninka shiineeska ah ayaa dhacday bilowgii bishaan December sida ay cadeysay wasaaradda maaliyadda Dowlada Mareykanka.

Hay’adaha Mareykanka mar ay ka hadlayeen talaabada ay qaadayaan marka la eego qasnada laga jabsaday ayay asheegeen inay kala shaqaynaysay waaxda dembi baarista Mareykanka ee FBI-da iyo hay’adaha kale si loo baaro dhacdadaan.

Dhanka kala Afhayeen u hadlay safaaradda Shiinaha ee Washington DC oo la hadlay idaacada BBC-da in eedeyntani tahay midaan xaqiiqo ahayn islamarkaana ay tahay weerar qarsoodi ah oo la sameeyay.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here