HomeWarkiiDowlada Sacuudiga oo amar ka soo saartay arinta xajka ee sanadkaan

Dowlada Sacuudiga oo amar ka soo saartay arinta xajka ee sanadkaan

RIYADH (DAYNIILE.COM)-Dowlada Sacuudiga ayaa amar dul dhigtay muslimiinta dooneysa inay sanadkaan axcmaasha xajka soo gutaan iyagoona u digay cid kasta oo amaradooda dhinac marta.

Wasaaradda Xajka iyo Cumrada ee dalka Sacuudi Carabiya ayaa fartay qof kasta oo doonaya xajka sanadkan (1446 AH) inay qasab ku tahay nay heystaan fiisaha kaasoo ay ka dalban doonaan barta Nusuk iyadoo la marayo hannaanka mideysan ee casriga ah ee bixinta fiisaha Xajka kaasoo lagu magacaabo Tasriix.

Wasaarada Xajka waxay adkeyneysaa in loo hogaansamo awaamiirtooda si loo ilaaliyo nidaamka iyo amniga gudashada xajka.

Wasaaradu  waxay ka digeysaa in la isku qaldo Viisaha dal ku galka caadiga ah iyo viisaha u qaaska ah Xajka,iyagoo tusaale u soo qaatay inay jiraan dad u fahmay in lagu soo xaji karo fiisaha caadiga ah ee Sacuudiga,waxaana la ogol yahay kaliya Viisaha Xajka.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -