KISMAAYO (DAYNIILE.COM)-Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa xilka ka xayuubisay Taliyihii ciidanka kumaandooska Danab Carab Dheeg ee magaalada Kismaayo oo ah xarunta Maamulka Jubaland

Taliye Carab Dheeg ayaa waxaa loo aaneynayaa xil ka qaadistiisa hadalo uu dhawaan ka jeediyay warbaahinta  taasoo ah in Dowladu u diiday darajooyin ciidan kaasoo ay jubaland ahaan u dalbadeen.

Advertisement

Taliyahaan la eryay wuxuu carabka ku adkeeyay in diidamaooda badalkeeda Dowladu asbuucaan dalacsiisay ciidamo dhawaan  gaaray Raaskanbooni kuwaasoo hore uga tirsnaa daraawiishta Jubaland balse dhanka Dowalda maray kadib khilaakii labada dhinac

Saldhiga ugu weyn ee Ciidanka kumaandoska Danab ayaa ku yaal deegaanka NO50 waxaana ciidamadaani si gaar ah gacanta ugu haya Mareykanka marka la eego dhanka tababarada  iyo mushaarka balse waxay ka amar qaataan oo toos u hoos-tagaan Dowlada Soomaaliya gaar ahaan wasaarada gaashaandhiga.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COMMay be an image of 1 person and beard

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here