MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Kulan ay isugu yimaadeen gudi ay iska soo xuleen Bajaajleyda Muqdisho iyo Dowlada Somalia ayaa kulamay waxaana lagu soo afjaray kulankaasi banaabaxyadii ay wadeen dhalinyarad bajaajleyda.

Nin u hadlay Gudiga Bajaajleyda ayaa cadeeyay in dhamaan cabashadoodii ay gudbiyeen islamarkaana Dowladu balan qaaday inay wax ka qabanayso cabashada.

Advertisement

“mid ka mida cabashooyinkii aan qabnay durba dowladu waa noo fulisay oo dhamaan wadooyinka waa laga kaxeeyay mana ku arkeysid wax taraafiko ah oo bajaajleyda ku dhibaya qarashka leysinka”ayuu yiri bajaajlaha magaca gudiga ku hadlaayay.

Wiilashada u hadlay bajaajleyda waxay saaxiibadood u sheegeen in la heshiiyay islamarkaana aysan jiri doonin banaanbaxa danbe oo la dhigayo.

Masuuliyiinta Dowlada ee goobta ku sugnaa waxaa ka mida Taliyaha Booliiska Gobolka Banaadir Macalin Mahdi iyo Gudoomiye xigeenka 1-aad ee dhanka siyaasada Maamulka Gobolka Banaadir  kuwaasoo hadalo kooban jeediyeen.

Taliye Macalin Mahdi wuxuu fagaaraha ka sheegay in Ciidamada Dowladu u taagan yihiin sugida amniga shacabkooda islamarkaana aysan jirin wax dhibaato ah oo la gaarsiiyay shalay bajaajleydii dhigeysay banaanbaxa rabashadaha wata.

No description available.

“ma jirto hal bajaajle oo ku dhaawacmay dibad-baxyda  oo dhaawac soo gaaray islamarkaana isbitaal yaal saaka”ayuu yiri Taliye Macalin Mahdi.

“Dhallinyaro waan idiin damqaneynaa Jirkiinna ayaan nahay,Booliskuna ma taaban karaan qofkii Habraac soo mara”ayuu yiri mar kale yiri Taliye Macalin Mahdi

Gudoomiye ku xigeenka Maamulka Gobolka Banaadir Mr.Yabooh ayaa goobta ka sheegay in sharci daro ah ay tahay in banaan bax dowladu ogeyn la iska dhigto taasna ay amni darada wax u dhimeyso.

No description available.

Mr Yabooh wuxuu carabka ku adkeeyay buuqa dibad-baxyada ay inay alshabaab ka faa’iideysan karaan sidaas daraadeed aan loo baahneyn in saxmad laga abuuro magaalada.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

No description available.

No description available.No description available.

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here