CEEL-BARA (DAYNIILE.COM)-Dowlada Somalia ayaa xalay qaaday talaabooyin waa weyn taasoo la xiriirta sidii loo soo qaban lahaa maleeshiyaadkii sida arxan darada ah dhawaan u laayay ciidamo ka tirsan kuwa xoogga dalka Soomaaliyeed.
Talaabooyinka ay Dowlada xalay qaaday waxaa ka mid ah in Magaalada Ceel-baraf ee lagu dilay askartaasi loo direy Taliyaha Nabad sugida iyo sirdoonka qaranka ,Taliyaa ciidamada lugta Somalia iyo saraakiil kale, kuwaasoo markiiba xalay bandow ku soo rogay magaaladaasi.
Ciidamada Dowlada waxay sidoo kale xireen dhamaan maamulka Degmadaasi iyo xitaa maamulkii ka horeyay iyo qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka, waxaa loo wada xirey si deg deg ah inay gacanta Dowlada ku soo geliyaan maleeshiya beeleedkii dhawaan wadada u gashay ee leysay 7 ka mid ah ciidamada Xoogga Somalia.
Howlgal qorsheysan ayay sirdoonka qaranka halkaasi ka bilaabeen ,wuxuuna soconayaa ilaa gacanta looga soo dhigo maleeshiyaadka dhibaatada u geystay askartii milateriga ahayd rabi ha u naxariistee iyo waliba cid kasta oo ku lug yeelata.
Xaalada Magaalada Ceel-bara oo saaka sidaas ku waabariisatay wixii ka soo kordha wararkeena xiga ayaad kala socon doontaan Insha Allaah.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM