Howlgal sifeyn ah oo maanta ay fuliyeen Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa lagu dilay in ka badan 10 maleeshiyaad iyo horjoogayaal ah oo ka tirsanaa Khawaarijta, iyadoo tiro intaas ka badan lagu dhaawacay howlgalka, sida uu Warbaahinta Qaranka u sheegay Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS Sheekh Abuukar Maxamed Xasan oo ku sugan furimaha dagaalka ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Howlgalka ayaa maanta ka dhacay deegaanka Nuur-Gare oo u dhow deegaanka Bariire ee Gobolka Shabeellaha Hoose, waxaana gobolkaas ka socda howlgallo ka dhan ah Khawaarijta ku dhuumaaleysata deegaanada fog-fog ee Sh/Hoose.

Advertisement
Ciidamada Xoogga Dalka ayaa shalay ku guuleystay inay Khawaarijta ka soo badbaadiyaan ku dhowaad 20 gaari oo madax-furasho u heysteen iyo sidoo kale waxaa jira dhagarqabayaal lagu qabtay howlgalka ka socda Sh/Hoose, sida uu sheegay Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya.
XIGASHO WARBAAHINTA QARANKA
May be an image of map and text that says "38N MH 89930 28565 02.067891° 44.909451' 02.067891*N44.909451"E E ม 1:50,550 15/20 Outdoor GPS/GNSS (27/27 sats) 司 ±7m 173m 0.0 0.0 km/h (192) 2.78km 2.78 23.8" Weby haba Nuungare gare Nuun Nuunaay BN MH BNMH9013828821 MH9013828821 90138 28821 Balaw Suspension Suspensianrea95330alsva0 area 95%30 alsnavao.." BA oint1 Checkpontz nt2 Bariire Rahole Google +"
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here