Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya ayaa shaacisay inay deeq waxbarasho siineyso ardayda u dhalatay dalka Suudaan ee ku nool Soomaaliya, maadaama Suudaan ay abaal weyn ku leedahay dadkeena oo muddo dheer ardayda Soomaaliyeed ka caawineysay waxbarashada.

“Dowladda Suudaan waxa ay ka mid tahay dowladaha aan la ilaawi karin ee dalkeenna iyo dadkeenna soo garab istaagay dhanka u fidinta deeqaha waxbarasho ee tacliinta sare, xilli aysan dalkeenna ka jirin dowlad Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
May be an illustration of map and text
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here