MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-La taliyaha dhanka Amiga ee Madaxweynaha Somalia Xuseen Macalin ayaa shaaca ka qaaday inay dhawaa dalka ka bixi doonaan dhamaan ciidamada Itoobiya ee magaca ATMIS ku joogaan Soomaaliya

“Itoobiya kama sii mid ahaan doonaan ATMIS  dhanmaantood waa laga saari doonaa si ka duwan dalalka kale”ayuu yiri Xuseen Macalin

Advertisement

Sarkalkan wuxuu xusay in askariga ugu dambeeya Ciidamada Itoobiya uiu faarujin doono ciida Somalia Bisha Semtember sida ay Dowladu qorsheysay.

Sidoo kale wuxuu sheegay La taliyaha in Ciidamo yar oo ATMIS ka hari doona xitaa ineysan ka mid noqon doonin kuwa Itoobiya.

“sababta waad la socotaan xiriirka labada Dal ayaan wanaagsaneyn xiligaan”ayuu yiri Xuseen Macalin.

La taliyaha wuxuu muujiyay in xiririka labada dal oo xumaaday darteed ay Dowladu u dalbatay in Ciidamada Itoobiyaanku faarujiyaan guud ahaan dalka Somalia.

“Itobiya ka mid aha  ciidamada sii joogi doona December kadib waana qorshaha Dowlada Somalia madaama labada dal xiriirkodu uu xumaaday”ayuu yiri Xuseen Macalin

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here