War goor dhaw ka soo baxay Dowlada Faderaalka Soomaaliya lagu shaaciyay warbaahinta Qaranka ayaa lagu sheegay in
Maanta  dalka uu hirgalay qaadista Canshuurta Gadista ee loo yaqaano (VAT).
Qoraalka Dowlada ayaa sidan u qornaa:-
Qiimaha lagu bilaabay Canshuurtaan oo ah 05% ayaa ah kan ugu yar waddamada geeska Afrika, taas oo ah u turis ay Dawladdu u turayso Shacabka Soomaaliyeed oo kasoo kabanaya duruufo qalafsan oo muddo dheer ay kusoo jireen.

Arintaan ayaa kusoo aadaysa iyada oo xalay is faham ay ka gaareen Dawladda iyo Ganacsatada cabshooyinkii ka yimid, kuwaas oo ay Dawladdu balanqaadday in ay ka jawaabayso.

Talaabadaan waa mid kor u qaadaysa awoodda iyo sharafta Dawladnimada Soomaaliya, waxeyna horseedaysaa in Dawladdu kordhiso adeegyada dadwaynaha sida Amniga, Waxbarashada, Caafimaadka, Dib u dhiska Waddooyinka iyo Horumarinta hay’adaha Qaranka.

Waa talaabo kale oo Dawladdu u qaadday xoojinta iyo hirgalinta nidaamka Dawladnimada, waxayna muujinaysaa horumarka maalin kasta ay ku talaabsanayso Dawladda Soomaaliya.
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here